Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u yimid, garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka dalka looga xoreynayo Alshabaab degaanada Galmudug .
Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab , isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay Alshabaab kagasugan yihiin dalka .
Dhankooda, haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Alshabaab , iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogidoonaan wiilashooda qaybta ka ah halganka dalka lagu xoreynayo.
Kualnka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya , Wasiirka haweenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Guddiga Wacyigelinta Qaranka



