Madaxweynaha oo Jarmalka kulamo kula yeeshay madax iyo diblomaasiyiin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalaya shirka arrimaha amniga caalamka ee Munich Security Conference (msc2016), ayaa maanta kulamo la qaatey madaxa iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxda uu Madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ah Jan Eliasson oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway, Børge Brende, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Philip Hammond, Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, Ursula von der Leyen, iyo mas’uuliyiin kale.

Kulamadan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka dhinacyadaasi kala dhexeeya Soomaaliya, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa madaxda uu la kulmay uga mahad celiyay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya.