Madaxweyne Xaaf oo ku dhawaaqay Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4/1/2020 waxa uu magacaabay Xubnaha Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug kuwaas oo ka kooban 11 xubnood.

Khilaafka ka taagan maamulka Galmudug ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii Madaxweyne Xaaf uu si weyn uga soo horjeestay hanaanka dhismaha maamulka Galmudug ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ay waddo.

Beelaha degaanada maamulka Galmudug waxa ay sheegeen in xildhibaanada Galmudug ay qeyb sadeen Ahlusunna iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana Inta badan la badalay Saxiixayeyaasha maamulka Galmudug ee Odayaasha dhaqanka.