Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta ku qaabilay qasriga madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay magaaladaasi.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo Doorashooyinka, mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobay kala shaqeyso Koofur Galbeed, iyo arrimaha bini’aadantinimo.
Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa is-weydaarsaday xog-wareysi dhammaystiran oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku aaddan barnaamijyada horumarineed iyo gurmadka degdegga ah.
Sidoo kale, Mudane James Swan ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida ee Koofur Galbeed guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, isagoo balan qaaday in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu garab istaagayo dadaallada Koofur Galbeed ee lagu sugayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.



