Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed lagu qabtay Xaflad lagu caleema saarayay Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Cabdicasiis Lafta -Gareen.
Xafladda caleemasaarka ayaa waxaa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Turkiga.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeeiyay xafladaasi ayaa sheegay in loo baahanyahay in wadashaqeyn wanaagsan ay dhexmarto dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyay muooyinkii dambe.




