Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray Imaaraadka Carabta

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa maanta gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kadib markii uu kasoo laabtay dalka Jabuuti oo uu kaga qeybgalay xuskii 27-ka Juun.

Maalinta bari ah ayaa la filayaa inuu kulamo La qaato masuuliyiinta ugu saraysa imaaraadka iyo Maalgashadayaal Caalamiya ah.

Puntland ayaa dadaal ugu jirto sidii ay  usoo jiidan laheyd dalalka Caalamka, islamarkaana loo heli lahaa maalgashayeyaal Caalami ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay ugu dhawaaqay Shirweyne Ganacsi oo ay kasoo qeyb galayaan dhammaan dalalka Caalamka, kaasoo lagu waddo in uu dhaco Bisha September.