AKHRISO: Digreetada xilalka loogu magacaabay Labada madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland

Kismaayo-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ku dhawaaqay Labada Madaxweyne ku xigeen ee maamulkiisa.

Labada madaxweyne ayaa waxaa loo kala magacaabay Maxamuud Sayid Aadan oo loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga-dhere oo mar kale dib loogu magacaabay xilkiisii oo ahaa madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland.

Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa looga dhawaaqay xilalkan halkaas oo uu ku sugnaa madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Afhayeenka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay magacaabiista labada madaxweyne ku xigeen.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO DIGREETADA UU SOO SAARAY MADAXWEYNAHA JUBBALAND

112