Madaxweyne Geelle oo Maanta Markii Lixaad la Caleema-saarayo

Maanta waxaa magaalada Jabuuti ka dhacaysa munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo mar kale loo dhaarinayo xilka Madaxweynaha dalkaasi kadib doorashadii ugu dambeysay ee uu ku guuleystay.

Madaxweyne Geelle, oo talada Jabuuti hayay tan iyo sanadkii 1999, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaya muddo xileedkiisii lixaad, isagoo kamid ah hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer gobolka Geeska Afrika.

Munaasabadda caleema-saarka ayaa lagu qabanayaa Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee magaalada Jabuuti, waxaana kasoo qayb galaya madax iyo wufuud kala duwan oo ka kala socda dalalka Afrika, Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay kahor munaasabadda, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu daadiyay waddooyinka muhiimka ah iyo xarumaha dowladda si loo xaqiijiyo amniga munaasabadda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale oo gobolka ah ayaa gaaray Jabuuti si ay uga qayb galaan caleema-saarka Madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa dhawaan ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday, isagoo helay 97.8% codadka, inkastoo mucaaradka Jabuuti ay si weyn uga horyimaadeen natiijada doorashadaasi.