Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta Booqday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya .
Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa kula kulmay Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay waxqabadkii iyo sidoo kale waxyaabihii uu soo qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu si rasmi ah ula wareego xarunta Madaxtooyada oo uu ku shaqeyn doono.
Sidoo kale Caleema saarka Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Muqdisho lagu qabto todobaadyada soo socda.


