Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) ayaa lagu waddaa dhawaan in uu tago dalka Itoobiya.
Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ku tagaayo dalka Itoobiya tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya 8 Bishii February.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa Arbacadda gelinka dambe in uu u dhoofo Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Wakaalada Wararka ee dalka Turkiga oo soo xiganaysa ilo ku dhow Madaxweynaha ayaa sheegtay in Safarka Madaxweynaha uu qeyb ka yahay horumarinta xiriirka labada dal.



