Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dagaalka uu ku jiro xaalad dagaal xilli ay jiraan duruufo dhaqaalle, islamarkaana ay xoojin doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Waxaa uu tilmaamay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay waddaan dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo lagula dagaallamaayo Al-Shabaab.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka ee dowladda Soomaaliya si looga guuleysto Al-Shabaab.
“Dalka wuxuu ku jiraa dagaal muddo ka badan 10 sano, dagaalkuna wuxuu wataa dhaqaale xumo, dhaawac badan iyo dhimasho. Waa inaan adkaysanno, waa inuu mooraalkeenu sarreeyo oo aan caradeenna ku wajahno cadowga, marna Shacabkeennu yeynan ogolaan in la qalbi-jabiyo. Ummadda Soomaliyeed wax badan ayaa la isku dayey in la qab-jabiyo oo ay is-dhiibaan, laakiin ma dhicin, waana diideen in ay is dhiibaan. Guusha waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo xaq u dirirka ah oo nabadda jecel, Cadowgu wuxuu marayaa meeshii ugu dambeysay markii lala barbardhigo meeshii ay joogeen 10 sano kahor, waxayna ku jiraan baqdin iyo ay ku dhuumaalaystaan shacabka dhexdiisa si ay u geystaan xasuuq cidna aysan u naxin- caruur iyo cirroolaba. Waxaan hubaa in aan ka guulaysan doonno cadowga. Guusha waxaa nooga hartay oo kaliya wakhti yar iyo adkaysi. Amnigu siyaasad ma galo waana masuuliyad wadareed, qof walba oo muwaadin ahna door ayuu ku leeyahay inta ay fdoonto hala ekaatee.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.



