Madaxweyne El-Sisi ” Waa in laga gudbaa dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya”

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa kala hadlay Madax ka tirsan dowladda Jarmalka  hormaradii ugu dambeeyay ee laga sameeyay dalalka  Yemen, Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya.

El-Sisi, ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay heystaan dalal ay ku jirto Soomaaliya,kuwaasoo u baahan in xilliggaan la siiyo taageero dheeraad ah si looga gudbo dagaallada iyo dhibaatooyinka ay keenaan Abaaraha.

Waxaa uu sheegay  in caqabadaha hortaagan Soomaaliya iyo Yemen ay u baahan yihiin dadaal joogto ah oo ay sameyso beesha caalamka.

El-Sisi oo la kulmay Hoggaamiyaha Jarmalka  ayaa amaanay horumarka ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinaca ammaanka iyo la dagaallanka argagaxisada.

“Madaxweynuhu wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in beesha caalamku ay sii wanaajiso dadaalladeeda ayna qaadato istiraatiijiyad dhamaystiran oo lagu doonayo in lagu xalliyo sababaha asaasiga ah ee dhibaatooyinkan iyada oo la taageerayo dadaallada horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxweynaha.

Maalgashiga Jarmalka ee Masar ayaa lagu qiyaasay 1.5 bilyan oo euro waxana uu bixinayaa ilaa 22,000 oo shaqo, sida lagu sheegay bayaanka Safiirka Jarmalka ee Masar bishii February 2017.