Madaxweyne Donald Trump oo booqanaya UK

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu waddaa in uu booqdo dalka UK dhamaadka Sanadkaan.

Aqalka Downing Street ee UK laga maamulo iyo Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa la rumaysan yahay in ay fiirinayaan wakhtiyada ay booqashadaas ka dhigi karaan.

Trump ayaa aqbalay casuumaad ay boqoraddu u fidisay markii ay booqashada ku tagtay Maraykanka Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May bishii Janaayo.

Laakiin sida loo arko booqashada ayaa la sheegay in ay muran dhalisay ayna arrintaaasi horsdeeday in Trump uu wax ka badalo go’aankiisii hore.

Waxaa la sheegay in uu san doonayn in uu booqdo UK maadaama oo ay u badnayd in ay dhacaan mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo.

Bishii May ku dhawaad labo milyan oo ruux ayaa sixiixay mid ka mid ah dalabyo lagu doonayay in Trump uusan booqasho rasmi ah ku imanin UK.