Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga Puntlaand iyo Wasiir kale

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay:  Xil gudasha la’aantooda

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:

  1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.
  2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.