Madaxweyne Deni oo Wakiilo Magacaabay

Madaxweynaha Maamulka  Siciid Deni ayaa xalay u magacaabay Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland Maxamed  Cabdiraxmaan Dhabancad in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Punland.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Maxamed Dhabancad loogu magacaabay in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Punland.

“Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Punland” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale Wasiirkii Hore Tamarta iyo Macdanta Puntland Carshe Maxamed Siciid u magacaabay in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Puntland.