Madaxweyne Deni oo Maanta furaya Kal-fadhiga 50aad ee Baarlamaanka Puntland

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in uu Magaalada Garoowe ka furmo kal-fadhiga 50aad ee Baarlamaanka Puntland, waxaana furaya  Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa in  muddo ah fasax ku jirey, waxaana la filayaa in Maanta kulanka Baarlamaanka lagu ansixiyo Mas’uuliyiin uu Magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad ka jeedin doona sida uu qabo Dastuurka Puntland furitaanka kal-fadhiga 50aad ee Baarlamaanka Puntland, isaga oo ka hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo tan Puntland.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa Maanta oo Arbaco ah aad loo adkeeyay, waxaana Ciidamo farabadan la dhigay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo dadka iyo Gaadiidka u diidaya inay maraan.