Madaxweyne Cali Guudlaawe oo sheegay inay Guddi u saarayaan khasaaraha ka dhashay dabkii Suuqa Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada  Hirshabeelle ayaa booqday goobihii ganacsiga ee ku gubtay dabkii xalay ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Magaalada Jowhar.
Madaxweynaha oo u kuurgalayay qasaaraha xoogan ee uu geystay dabkii xalay ayaa dul istagay dukaamo iyo ganacsiyo kale oo uu kbaabi’iyay dabka waxa uuna sidoo kale Ganacsatada u diray fariin ka turjumeysa sida uu uga xun yahay khasaaraha kasoo gaaray dabka.
Cali Guudlkaawe ayaa xusay in guddi soo qiimeeya inta ay la egtahay qasaaraha hantiyeed uu saari doono xaalada suuqa Magaalada Jowhar, isaga oo sidoo kale Ganacsatadii ku hanti beelay dabka alle ugu baryay in wax kheyr qaba ugu bedelo.