Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Saciid Cabdullaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa ay degaanadooda ka bilaabeen wadatashiyo ku aadan sida laga yeelayo xaalada Soomaaliya maadaama auu fashilmay shirkii ay uga qyeb galeen Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan wadatashi oo ku saabsan xaaladda dalku marayo la yeeshay Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Ururada Bulshada degaannada Puntland.
Dhinaa kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubaland, waxaana uu uga warbixiyay xaalada dalka iyo sida Dowlada wakhtigeedu uu dhamaaday ay ugu fashilantay hirgalinta doorashooyin loo dhan yahay.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Bulshada Jubaland ugu baaqay wadatashi guud si looga dhabeeyo himilada shacabka Jubaland, isga oo sidoo kale eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay Go’aan mideysan ka qaataan xaaladda xilligaan ee Soomaaliya iyo mudada labasa sano ah ee Golaha Shacabka ay u sameeyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



