Madaxweynaha Turkiga oo imaanaya Soomaaliya

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdoga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa kulamo la yeelan doona Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu xariga ka jaro safaarada Turkiga ee dhowaan ay ka dhisatay magaalada Muqdisho iyadoo safaaradana ay tahay mid si casri ah loo dhisay, waxana la sheegay in safaaradan ay ka mid tahay safaaradaha ugu casrisan ee ka dhisan qaarada Afrika.

Booqashadan ayaa noqnaysa tii 3aad ee uu Erdogan uu ku yimaado dalka Soomaaliya dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne Erdogan yimid Muqdisho isagoo xariga ka jaray mashaariic ay dowlada Turkiga ka hirgelisay Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne Erdogan booqashadii sanadkii 2011kii xilligaas oo uu ahaa Ra’iisul Wasaare ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay Soomaaliya xilligaasi oo inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay ka jirtay abaar baahsan.

Dalka Turkiga ayaa kaalmo weyn siiya dowladda iyo shacabka Soomaaliya iyadoo kaalmadiisii ugu dambeysay ay ahayd markab sida shixnad cunto ah oo ay dowladda Turkiga u soo dirtay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha dalka ka jira.