DHAGEYSO: Madaxweynaha oo si kulul u cambaareeyay weerarkii Sacuudiga

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday dalka Sacuudi Carabiya.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si aada ugu xuntahay weerarkii lagu qaaday dalka Sacuudi Carabiya.

” Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kan dadka Soomaaliyeed , waxaan  si qoto dheer uga naxay ugana murugooday  weerarkii argagixisinimo ee lagu qaaday dhulka barakaysan waxaan Murugada la qeybsanaynaa walaalaheena reer Sacuudi Carabiya “, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in dunida Carabta , dalalka Muslimiinta  ah iyo dunida inteeda kale  ay muhiim tahay in ay u midoobaan  xilligan xasaasiga ah oo kale  si loo xakameeyo   weerarada argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalalka islaamka bisha barakaysan ee Ramadaan ay ka dhaceen weeraro badan oo ay geysteen argagixisada tasoo uu sheegay madaxweyne Xasan in dad badan oo muslimiin ah ay dhibaato ka soo gaartay.

Ugu yaraan 4 Ruux oo ka mid ahaa Saraakiisha amaanka ayaa dhintay, 5 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Weerar ismiidaamin ahaa  oo ka dhacay banaanka Masjidka  Nabi Muxamed عليه السلام  oo ku yaalla Magaalada Madina ee Dalka Sacuudiga.