Madaxweynaha Soomaaliya oo kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka cirka Soomaaliya oo lagu tababarayo dalka Ereteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya  Isaias Afwerki ayaa  kormeer ugu tagay cutubyo  katirsan  ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya  xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib  u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu  warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.