Madaxweynaha Somaliland oo ku wajahan Djibouti

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxaya dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Socdaalka madaxdeyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafdiga uu horkacayo ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu ugu socdaal dibadda tan iyo markii la doortay 13-kii bishii diseember ee sanadkii 2017.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibedda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay saaka in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasina uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadaneysa laba maalmood oo maanta u bilaabaneysa.

Wasiirku wuxuu sheegay sidoo kale in labada dhinac ee walaalaha ahi ay ka wada hadlayaan sii xoojinta xidhiidhkooda dhinacayada ganacsiga , socdaalka , nabadgelyada , siyaasadda iyo dhaqanka ee horey uga dhexeeyay .