Madaxweynaha Somaliland oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayi ayaa waxaa ay gaareen dalka Jabuuti, iyaga oo halkaasi Maanta siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha aaomaliland igo wafdigiisa mas’uuliyiin katirsan dowladda Jabuuti, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada dalkaas.

Safarka madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo maalmo ah qaadan doona, waxana ku  wehelinaya wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsa  dalkaas, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.