Madaxweynaha Puntland oo shir isugu yeeray Golaha Wasiiradda Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa golihiisa Wasiiradda dhamaantood isugu yeeray shir deg deg ah sidda ay xaqiijisay Madaxtooyadda Puntland.

Shirkaan ka dhici doonaa Magaalada Boosaaso oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland.

Qodobada laga hadlayo Waxaa ka mid ah  Arrimaha Shirka Caalamka & Soomaaliya ee maanta kusoo dhamaaday Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u diiday ka qeyb galka Shirka, islamarkaana qaadacay, waxaana lagu waddaa in Puntland ay ku dhawaaqdo berri go’aamo cusub.