Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Somalia ka dhici karto doorasho qof & Cod ah

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay macno weyn u sameeyneyso doorashooyinka Golaha degaanka ee Maanta ka billowday degmooyin ka tirsan Maamulkiisa Puntland.

Waxaa uu sheegay in doorashooyinka Soomaaliya ay mar walba hor istaagaan caqabado xaqiiqo ah , sida dhanka Amniga iyo burburkii kajira Soomaaliya 30 Sano ee la soo dhaafay, hayeeshee Maamulada Federaalka ee dhismay ku dhaliil naayeen qabashada doorashada wof iyo codka ah, isla markaana Puntland Maanta billaawday.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed iyo deeq bixiyeyaasha Caalamka labada dhinacba ay xilligaan ku kalsoon yihiin in la qaban karo doorasho qof iyo Cod ah uuna rajeeynayo in lagu guuleysto.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay Maanta xilli Goob kamid ah goobaha doorashooyinka ee Magaalada Qardho uu codkiisa ka dhiibtay.