Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis sameeyay (Wareegto)

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu Magacaabay Hanti-dhowraha guud Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland , kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulkaas.

Hoos Ka Akhriso wareegtada Magacaabista ee uu soo saaray ee Madaxweynaha Maamulka Puntland

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee

Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Maamulka Puntland
  2. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Puntland
  3. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka
  4. Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
  5. Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland
  6. Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda
  7. Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, Waana saxiixay.