Madaxweynaha oo furay Shirka IGAD

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow furay Madaxda waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD oo markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Shir madaxeedkan oo goor dhow ka furmay ayaa waxaaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socda South Sudan, iyadoo shirkan ay ka maqan yihiin Madaxweyanayaasha Jabuuti iyo Suudaan.

Qodobada looga doodii doono shirkan ayaa waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.