Madaxweynaha oo codsaday in xayiraadda hubka laga qaado Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shirka  Madasha 6-aad ee heer ka sare ee Soomaaliya iyo Beesha caalamka ee ka socda magaalada Istanbuul ayaa beesha Caalamka ka codsaday in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka.

Madaxweynaha ayaa Xusay in aan Ammaanka Soomaaliya la sugi karin inta Soomaaliya ay saaran tahay xayiraadda hubka ee saarneed in ka badan 20-sano.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ciidamada Soomaaliya ay awood u leeyihiin sugitaanka amaanka laakiin aysan haysan saanad u dhamaystiran oo ku filan.

cunna qabataynta hubka ayaa waxaa Soomaaliya la saaray Sanadkii 1992, kadib markii ay burburtay dowladdnimadii Soomaaliya oo dalku uu kala dambayn la’aan noqday.