Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Baraawe

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb ka ah Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana lagu waddaa in uu halkaasi gaaro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo maamulka degmada Baraawe ayaa soo dhaweeyay Madaxweyne Shariif Xasan.