Madaxweynaha Khaatuma oo gaaray Laas-caanood

Laas-caanood-RisaalaFM- Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa duhurnimadii maanta ka degtay Diyaarad uu saarnaa Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Kahliif Galeyr iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa Diyaarad ka soo raacay dalka Jabuuti halkaasi oo ay kaga qeyb galayeen shirka wada hadalada Maamulka Khaatuma iyo waliba Maamulka Soomaaliland.

Qaban qaabada iyo soo dhaweynta Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Kahliif Galeyr waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka, Kan Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wararka qaar ayaa sheegaya Madaxweynaha iyo wafdigiisa in loo diiday in ay ka degaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buuhoodle, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo hubeysan.