Madaxweynaha Kenya oo gaaray Congo

Kenya's President Uhuru Kenyatta speaks during the state funeral of Kenya's former president Daniel arap Moi, at Nyayo Stadium in the capital Nairobi, Kenya Tuesday, Feb. 11, 2020. Daniel arap Moi, a former schoolteacher who became Kenya's longest-serving president and led the East African nation through years of repression and economic turmoil fueled by runaway corruption, died Tuesday, Feb 4, 2020, aged 95. (AP Photo/John Muchucha)

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho 3 maalmood ah ku tagay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, ka dib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa Felix Tshisekedi.

Diyaaradda Kenya Airways oo sidday madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa galabnimadii maanta ka caga dhigatay garoonka diyaaradaha N’djili ee magaalada Kinshasa ee caasimadda Koongada dimuqraaddiga ah.

Madaxweyne Kenyatta ayaa garoonka waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay madaxweyne Tshisekedi.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa booqashadiisa saddexda maalmood ah ujeedkeedu lagu sheegay in ay tahay, in la adkeeyo xiriirka wanaagsan ee labada dal u dhexeeya, iyada oo loo marayo kor u qaadista ganacsiga iyo isdhexgalka labada shacab.

Booqashada madaxweyne Kenyatta uu ku tagay Jamhuuriyadda dimuqraaddiga ah ee Congo, ayaa imaaneysa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Moxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saaka dib uga laabtay Muqdisho ka dib safar uu ku tagay Kinshasa.