Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay Midnimo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku baaqay Midnimo iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ay la shaqeyn doonaan dowladda dhexe Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay Muqadas tahay Midnimada Soomaaliyeed, islamarkaana dhammaan laga doonaayo in ay ka qeyb qaataan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay ku tixgaliyeen shaqooyinka dowladda dhexe laakiin dowladda aysan ku tixgalin Hanaankii Awoodda maamul goboleedka.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay Wadahadal in uu yimaado Magaalada Kismaayo, maadaama uu yahay Madaxweynaha Qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Jubbaland ee ka dhacday Kismaayo.