Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kuwaas oo ka tegay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulamo ku saabsan arrimaha doorashada Garoowe kula yeelan doona madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaana Labada mas’uul si gaar ah uga wada-hadli doonaan doorashada Golaha Shacabka.

labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya xulafeysi gaaar ah oo siyaasadeed, waxaana taasi ay keentay in Sanotero kasoo jeedo Puntland lagu doorto Kismaayo, halka Sanetoro kasoo jeeda Jubbaland lagu doorto Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe inta uu ku sugan yahay Garoowe uu shir la yeelan doono Xubnaha Golaha Wsiirada Puntland.

Kulanka ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan  la guda galayo  doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka.