Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaabi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ku sugnaa magaalada Muqdishu muddo bil ah aya dib ugu laabtay degaanadooda.
Bixitaankooda ayaa ka dambaysay markii ay burbureen dadaalladii loogu jiray in madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawladda federaalku ay ku heshiiyaan doorasho sidii ay wdadanka uga qabssoomi lahayd.
Maalintii shalay ayaa Aqalka Hoose ee Baarlamaanku waxa uu muddo kordhin u sameeyey dawladda, waxaana uu ku amray Guddiga Dorashada Qaran ee Madaxa bannaan inay muddo aan ka badnayn laba sano ku diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah.
Go’aankaas waxaa kasoo horjeestay mucaaradka oo ku tilmaamay tallaabo sharcidarro ah. Waxaa sidoo kale diiday Aqalka Sare, oo ku tilmaamay sharci-darro.
Go’aanka Aqalka Hoose ayaa waxaa soo dhoweeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkasta oo weli uusan saxiixan sharciga, taas oo macnaheedu yahay inaanu dhaqan-gelin.



