Madaxweynaha Jubbaland oo amray in la joojiyo dagaalka Duleedka Kismayo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa amray in si deg deg ah loo xoojiyo dagaal beeleedka duleedka Magaalada Kismaayo oo dad badan ay ku dhinteen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Jubbaland ay jiraan gacmo ka baxsan maamulka Jubbaland oo dhibaato ku haya dadka degaankaasi, islamarkaana ay tilaabo ka qaadi doonaan.

Madaxweynaha ayaa xusay in maamulka Jubbaland ay Ciidamo kala dhex dhigi doonaan beelaha ku dagaallamaya duleedka Kismaayo.