Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyagoo ka wadahadlay xaaladaha siyaasada dalka.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u joogo ka qeyb-galka shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro doorashada dib u dhaca doorashada.
Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxay xalay kulan hordhac ah la qaateen ra’iisul wasaaraha iyagoo ka wadahadlay furitaanka shirka Golaha Wada-tashiga.



