Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Galabta kulan dhinaca khadka taleefoonka ah waxaa uu la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa shaacisay in kulanka ay labada mas’uul uga wada hadleen Arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Dib u heshiisiinta, Amaanka iyo Doorashooyinka Federaalka ee nagu soo fool leh iyo sidii si Wadajir ku wada Shaqeyn lahaayeen Sanadaha soo socda
Waa kulankii ugu horeeyay oo Madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle uu la yeeshoXubno ka tirsan Beesha Caalamka tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle.
Dhawaan ayaa Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen waxaa uu xubnaha Beesha Caalamka ku eedeeyay inaysan gacan ka geysan Arrimaha doorashooyinka iyo dhismaha Hirshabelle.