Jowhar-RisaalaFM- Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole).
Xilka Guddoomiyaha degmada Balcad ayaa waxaa loo magacaabay Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug) oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad, waxaana warkan lagu sheegay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Hirshabeelle.




