Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee degmada Balcad.
Madaxweyne Cosoble ayaa Gudoomiyaha degmada Balcad u magacaabay Cismaan Maxamed Xaadoole oo horay gudoomiye uga soo noqday degmadaasi.
Waxaa Xilka laga qaaday Maxamed Maxamuud Saney oo hayay xilkaan illaa iyo sanadkii 2014.
Gudoomiyaha Cusub ayaa horay xilka looga qaaday ka dib markii Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku dagaalameen degmada Balcad.


