Waare oo Hay’adaha Amniga faray soo qabashada dadkii dilay Wasiirka

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Caawa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle loogu geystay Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu yiri ” Madaxweynaha oo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda iyo shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo caawa kooxo Dhagar qabayaal ah ay ku Dileen Magaalada Magaalada Jowhar Xili uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday Salaada Cishaha.

Madaxweynaha Ayaa cambaareeyay Dilka wasiirka, waxaana Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan Eheladii, Qaraabadii, asxaabtii, qoyskii, iyo Caruurtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.

Madaxweynaha  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga naxay Dilka Wasiirka, una naxay, waxaana uu amray hey’adaha amaanka in ay si deg Deg ah u soo qabtaan Kooxihii ka dambeeyay Dilka wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle marxuum C.qaadir Abuukar Muxumed Karaani.