Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Axmed Meyre Makaraan iyo Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa booqday goobihii uu ku fatahay wabiga Shabelle ee mara Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha oo u kuur galayey xaalada dhabta ee ka jirta Degmada Mahadaay shacabkeedu saameeyen fataahadaha uu sameynayo wabiga shabelle iyo daadadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay Deeganada Hirshabelle gaar ahaan Degmadan
Boqolal qoys ayaa ku barakacay fatahaada wabiga shabelle iyado guryahooda buux dhaafiyeen biyaha wabiga iyo roobabkii ka da’ay Degmada
Mas’uuliyiinta ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyey shacabka ku dhibaateysan Degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada
Fatahaada wabiga shabelle iyo roobabka ka da’ay Deegaanadan ayaa sababay sidoo kale iney ay go’an dhaamaan tacabkii beeraha oo ay ku tiitsanaayen shacabka
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Axmed Meyre Makaraan ayaa ku baaqay in loo wada istaago gurmadka dadka dhibaateysan isago xusay in Maamulka uu u diyaarsanyahay Marwaliba caawinta dadka danyarta ee dhibaatada so gaartay.