Madaxweynaha Galmudug & Safiirka Ingiriiska oo ka wada hadlay doorashada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maalmahan Muqdishu u jooga arrimo dhowr ah ayaa la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay arrimo ay ka midyihiin Doorashada dalka iyo howlaha hortabinta leh ay wado Galmudugta cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu ka mahadceliyay doorka Dowladda Britain ee ku aadan horumarinta Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ugu danbeyntii bogaadiyay kulankan muhiimka ah asagoona sheegay in ay joogteyn doonaan taageerada ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana shacabka iyo Dowlad Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku howlanaa dhex-dhexaadinta Madaxda Dowladda iyo Midowga  Musharixiinta Madaxweynaha, waxaana uu dhowr jeer la kulmay Madaxda Dowladda & Midowga  Musharixiinta Madaxweynaha.