Madaxweynaha Galmudug oo u ambabaxay Jabuuti

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Halmudug  Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay u ambabaxeen Dalka Jabuuti.

U jeeda safarka Madaxweyne Qoor Qoor Qoor iyo Xubnaha la socda ayaa waxaa lagu sheegay in ay halkaasi kula kulmi doonaan Madaxda Dalkaasi iyo Shirkado la filayo in ay qayb ka noqdoon dhismaha Dekada Magaalada Hobyo.

MadaxwaynahaGalmudug waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro ay ka mid yihiin Amniga iyo Arimaha Guddaha Galmudug, waxaana sidoo kale Xubnaha wafdiga ay la kulmi doonaan Madaxda kale ee dalkaasi Jabuuti.

Waa safarkii labaad oo Madaxweynaha Galmudug uu dalka uga baxo tan iyo markii Dhuusamareeb loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dowladda Qatar ayaa horay u balan qaaday inay dhiseyso dekadda Magaalada Hobyo, kadib markii ay booqdeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Qatar, hayeeshee ilaa iyo hadda ayaan fulin balan qaadkaas.