Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno la socda ayaa Maanta socdaal aan hopray loo sii shaacin waxaa ay ku tageen Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug,iyaga oo ka mababaxay Magalada Muqdisho.
Xubnaha Wafdiga Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Magalada Hobyo kusoo dhaweeyay,Xildhibaano,Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladaas.
Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa halkaasi sida la sheegay waxaa uu u tegay ka qeyb-galka shirka ay Magalada Hobyo ku leeyiiin mid ka mid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug shirkaas oo la filayo in dhawaan la soo geba-gabeeyo.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku sugnaa Magalada Muqdisho labadii bilood ee la soo dhaafay,isaga oo hehsiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay is khilaafeen Madaxdii Ahlusunna eek u biiray Galmudug kuna sugan Magalada Dhuusamareeb.



