Madaxweynaha Ahlusunna oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sheekh Axmed Shaakir ayaa Madax ka ah Ururka Ahlusunna oo si weyn uga soo horjeeda maamulka Galmudug iyo sidoo kale dowladdii uu waqtigeedu dhamaaday.

Maamulka Ahlusunna ayaa horay u sheegay in ay taageersan yihiin Madaxweyne Farmaajo , islamarkaana ay la shaqeyn doonaan.

Maalinta Arbacada ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doonta Munaasabad lagu caleemo saarayo  Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota Afrika.