Madaxweynaha Real Madrid Ee Florentino Perez Oo Kulan La Yeeshay Milkiilaha Inter Milan

Kooxda Inter Milan ayaa ka rajo dhigin in ay Real Madrid kala soo wareegto xidiga dhaxantu ku dishay kursiga kaydka Los Blancos ee James Rodriguez.

Inter Milan ayaa waqti dheer ka mid ahayd kooxaha doonayay saxiixa xidiga ree Colombia kaas oo aan waqti fiican ku qaadanayn kooxdiisa Real Madrid.

Ninka sheerka ugu badan ku leh kooxda Inter Milan ee Zhang Jindong ayaa kulan la yeeshay madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez si ay uga wada xaajoodaan suurtogalnimada ay Inter Milan dhamaadka xili ciyaareedkan kula wareegi karto James Rodriguez.

Zhang Jindong ayaa boqolkiiba 70% iska leh mulkiyhada Inter Milna kadib markii uu xagaagii la soo dhaafay kooxdan ka bixiyay 270 milyan oo euros.