Madaxtooyadda Soomaaliya oo war ka soo saartay Xiisada Gedo.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhowaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo u rajeeyay dhaawacyada caafimaad degdeg ah, sida lagu sheegay qoraalka.

 

Madaxweynuhu wuxuu faray xukuumadda inay gacan ka geysato gurmad caafimaad iyo taageero bani’aadannimo oo loo fidiyo dadka ay saamaysay xaaladda gobolka.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda Kenya ay dib ugu noqdaan deegaannadoodii, isagoo xaqiijiyay inaan cidna ciqaab la marin doonin, isla markaana loo ballan qaaday badqabka iyo nabadgelyadooda.

 

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda gobolka inay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.