Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqadda ka ceyriyay C/llaahi Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Wasiirka.
Dhool ayaa shaqadda looga eryay ka dib markii uu taageero u muujiyay Isael, islamarkaana uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya iyo Israel ay yeeshaan Xiriir Wanaagsan.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan la shaqeyn karin ruux taageero u muujiyay Yahuuda.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u yeertay Safiirkii Soomaaliya ee Geneva ka dib markii ay ka aamustay Qaraar Caalami ah oo Yahuuda looga soo horjeeday.
#Israel inta ay dhul dad #Muslimiin ah iyo magaalo barakeysan xoog ku haysato iyo inta ay xabsiga dusha ka furan ku hayso reer #Falastiin wax xiriir ah nama dhex mari karo, qof walba oo fikirkaas qabana kama shaqeyn karo, umana shaqeyn karo Dowladda Federaalka Soomaaliya. https://t.co/0NzdgcMseE
— Abdinur Mohamed (@AbdinurMAhmed) March 31, 2019



