Madaxeyne Xasan Sheekh & Wasiirka Arimaha dibada Turkiga oo kulan ku yeeshay Magaalada Ankara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.

Dawlada Turkiga ayaa muddo sanado ah Taageero la garab taagbeeyd dawlada Soomalaiya   sidoo kalema ka gacan siineysay la dagaalanka Alshabaab