Madaxda Hotelada ku yaal Boosaaso oo digniin loo jeediyay

Milkiilayaasha Hoteelada ku yaallo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa maamulka Puntland ,waxaa ay u jeediyeen digniin u aadan Hanaanka Ammaanka Hoteeladaasi.

Duqa  Boosaaso Yaasin Mire, ayaa sheegay  Milkiilayaasha Hotelada in laga doonaayo in ay adkeeyaan Ammaanka Hoteeladooda ,islamarkaana ay qortaan ilaalo xirfad ah.

Wuxuu sheegay inay suuragal tahay Daacish inay weeraraan Hoteladaasi, maadaama muddooyinkii dambe ammanka uu ahaa mid aanaan wanaagsaneyn, islamarkaana ay jirto cabsi dhinaca Hotelada ah.

Magaalada Boosaaso ayaa Bilihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay falal lidi ku ah Ammaanka , waxaana Magaaladaasi lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Hotel Village ee dhanka Galbeed Magaalada Boosaaso, Shabaab waa ay iska fogeeyeen masuuliyadiisa, inkastoo ilaa hada aanan la ogeyn cida weerarkaasi fulisay.